Ahlu Sunna oo QAADACDAY heshiiskii shalay ka dhacay xarunta Villa Somalia

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna ayaa qaadacday heshiis shaley ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul mideenaya Galgaduud iyo Mudug.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-Ashcari oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid sharci darro ah isla markaana aaney wax shuqul ku lahayn.

Wuxuu sheegay in heshiiska aan loo marin waddo sharci ah isla markaana Ahlu Sunna ay go’aankeeda lee dahay golaha fulinta oo uu ku sheegay halka marjica u ah.

Waxaa la weydiiyay sababta ay ku qaadacayan marba haddii heshiiska uu u saxiixay xubin ka mid ah, wuxuu tilmaamay Al-Ashcari in Ahlu Sunna dadka oo dhan ay yihiin balse maamulka iyo go’aan ka gaaristiisa uu lee yahay guddiga fulinta ee uu madaxda ka yahay.

Wuxuuu ugu baaqay beesha caalamka in aysan waqti iyo dhaqaale ku barataarin wax uu ku sheegay warqaado la siixiixay oo aaney jirin meel ay u socdaan sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay caalamka uu la hadlaayo in ay goob ka ahaayeen heshiiska ayuu sheegay in wax yaabaha meesha ka socda aaney xog ogaal ka ahay beesha caalamka sidaas darteedna ay uga digayaan in ay ku kadsoodaan heshiiskaas.

Wuxuu sheegay in maamulkooda aan wadatashi lagalin maamulka cusub ee la dhisaayo sidda uu hadalka u dhigay.

Al-Ashcari ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay la timaado hannaan socon kale ee aaney kala goyn dadka wada dagga Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee ku abtirsada maamulka Ahlu Sunna.

Waa qeybtii labaad Ahlu Sunna oo qaadacda heshiiska ka dhacay Villa Somalia muddo 24-saac, waxaana horrey qorshahan u qaadacay maamulka Ximin iyo Xeeb oo maanta dibad-bax ay uga soo horjeedaan heshiiskaas ku qabtay magaalada Cadaado.

Heshiiska lagu dhisaayo maamul mideeya Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka qeybgal;ay wakiilo ka socda Midowga

Afrika, Midowga Yurub, QM, IGAD iyo diplomaasiyiin caalami ah, waxaana qoddobada ku jiray ka mid ahaa qoddob dhaha cid kasta oo ka soo horjeesata hehsiiska waxaa loo aqoonsan doonaa qaswadayaal isla markaana waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com