26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM uu si bareer ah u toogtay Muwaadin soomaaliyeed.

Dilka muwaadinka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay laamiga dheer ee isku xira Magaalladda Muqdisho iyo Degmadda Afgooye.

Wararku waxa ay sheegayaan in wiilka la dilay uu ahaa Kirishbooy ka shaqeynaayay mid kamid ah gaadiidka wadadaasi isticmaasha, waxa uuna dilkaasi si gaar ah uga dhacay Tabeellaha Sheekh Ibraahim Gacal ee duleedka magaalladda Muqdisho.

Dilka Kirishbooyga ayaa yimid kadib markii Dareewalka uu ka dhega-adeegay inuu u soo dhawaanin Kolonyadda gaadiidka AMISOM ee waddada maraysay taasina ay dhalisay in Rasaasta uu furay Askarigaasi ku dhinto Kirishbooyga.

Dhanka kale, Askariga rasaasta furay ayaa la sheegay inuu Kirishboyga ku dhuftay saddex xabbadood, iyadoo uu isla goobtii ku geeriyooday mana jirto cid is weydiisay dilka Muwaadinka, waxaana Meydkiisa looga dhaqaajiyay isla goobta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News