XOG: Beesha Sade oo C/llaahi Goodax Barre iyo DF Soomaaliya ku dheggan!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow dhow Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre, ayaa sheegay in Odayaal ka tirsan Beesha Sade ay ku dheggan yihiin wasiirka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in wasiirka  lagu heysto Heshiiskii uu Barre Hiiraale la galay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe, kaasi oo ay Odayaasha ku sheegen inuu ahaa mid shirqool, islamarkaana fulintiisa loo xil saaray Goodax, balse hadda u muuqda mid fashilmay.

Odayaasha ayaa ku doodaya in Dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Col. Barre Hiiraale la damacsanaa burburinta Awoodihiisa Siyaasadeed, waxaana la tilmaamayaa in iminka ay Wasiirka ka codsadeen in loo soo celsho Ciidamada iyo Hubka Barre ee galay gacanta Axmed Madoobe.

Odayaasha ayaa si joogta ah ugu qulqulaayo Xafiiska Wasiirka waxa uuna Ujeedkoodu yahay in Barre Hiiraale dib loogu soo celsho awoodihiisa.

Sidoo kale, aqoonyahaan ka soo jeeda Beesha Sade oo lagu magacaabo Xasan Cabdulle, ayaa sheegay in Ujeedka Wasiir Goodax iyo Faarax C/qaadir loogu diray Kismaayo uu ahaa in awooda laga qaado Barre Hiiraale, ayada oo ballanqaadyo been ah loo sameeyey, waxa uuna aqoonyahaanka sheegay in Beeshu aysan marnaba raali ka ahaan doonin in talo iyo Siyaasad ahaanba la hoos geeyo Axmed Madoobe.

Xasan ayaa waxa uu DFS ugu baaqay inay ka waantowdo waxa uu ugu yeeray shirqool loo maleegay Barre Hiiraale.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri “Waa arrin taariikhi noqon doonto in Barre lagu cadaadiyo hoos geynta Axmed Madoobe, waxaan sugeynay in labaduba arrintooda xal laga gaaro, balse waxaa inoo soo baxday in DF ay isku jabineyso labada Mas’uul”

Haddalka Odayaasha iyo Aqoonyahaanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu Barre Hiiraale diiday inuu ka qeybqaato shirka Kismaayo, kana baxay heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe..

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com