Maxaa sababay in Abdi Qeybdiid uu ka laabto xiritaanka garoonka Gaalkacyo?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay sababaha ay uga laabteen go’aankii ay ku xayireen garoonka diyaaradaha ee weyn Gaalkacyo ee ku yaalla dhinaca Puntland.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in wax yaabaha sababta u ah go’aanka in ay ka laabtaan uu la xiriiro markii uu warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo beesha caalamka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintan ay soo billaabatay markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamul u sameenta gobalada dhexe iyagoo markaas ka cabsanaya dowladda fedaraalka maadama ay lee yihiin waxaa ku jirra Cabdiqeybdiid, isla markaana diyaaradaha ay ka deggi karaan garoonkaas oo ay fasax yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in markasta uu maamulkiisa diyaar la yahay siddii nabad ay ugu noolaan lahaayeen shacabka ku dhaqan labada maamul.

Wuxuu sheegay oo kale in Puntland u jeedkooda uu yahay siddii ay u fashilin lahayd dhismaha maamulka loo dhisaayo gobalada dhexe isagoona intaas ku daray in uu la yaaba yahay in in madaxweyne aqoon leh in uu maanta doonayo in wax ku raadiyo qori caaradii sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Puntland in ay oggolaato in labada maamul ay ka faa’ideestaan garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo ku yaalla.

Uguu dambeen wuxuu sheegay in tanaasulka ay muujiyeen in uu la xiriiro siddii uu qabsoomi lahaa shirka maamulka loogu sameenaayo gobalada Mudug iyo Galgaduud kaasoo dhawaan ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya iyadoo ay socdaan dedaalo lagu qaboojinaayo xiisaadda ka aloosan Puntland iyo Galmudug, waxaana dedaaladaas qeyb ka ah dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Khilaafka labada maamul ayaa soo billowday markii lagu dhawaaqay in maamul gobaleed loo sameenaayo gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com