25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

XOG: Jawaari oo arrin uusan jecleysan XASAN SH. ka damacsan MOOSHINKA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa codka kalsoonida ee loo qaadayo ra’iisul wasaare Cabdi Weli ka dhigi doona mid qarsoodi ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen xildhibaano isaga ku dhow.

Jawaari ayaa lagu warramay in arrintan uu arko mid ku haboon xaaladda iminka taagan, oo keeni karta in laga fogaado in cod qaadistu noqoto mid fowdo iyo qas ku dhammaata.

Arrintan ayaa waxaa la sheegayaa inay kasoo horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow oo raba in codku noqdo mid gacan taag ah.

Qorshaha arrintan ay kooxda Xasan Sheekh ka lee yihiin ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay ogaadaan xildhibaanada u codeenaya ra’iisul wasaaraha iyo kuwa kale, maadaama ay jiraan xildhibaanno ay ballamo la galeen. Haddii codku noqdo mid qarsoodi ah waxaa adkaan doonto in la ogaado dhinaca uu xildhibaanka u codeynayo.

Sida ilo-wareedyo xog-ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, kooxda Xasan Sheekh ayaa iminka wada-hadallo la leh Jawaari, ayaga oo ka dhaadhicinaya inuu codka ka dhigo mid gacan taag ah.

Mooshinka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa baarlamanka la horgeyn doonaa talaadada oo ku began labada bishan, waxaana codka loo qaadi doonaa sabtida xigta oo oo ku began lixd bisha.

Si kastaba, waxaa laga yaabaa in ka hor codka ay xal gaaraan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, maadaama iminka ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii uu isku casili lahaa Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News