Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlada Kuwait ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kaga hortagay xubno uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.
Wafdiga ka socda Kuwait waxaa hogaaminayay ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee dowlada Kuwait, waxayna kulamo la qaateen C/raxmaan Ducaale Beyle.
Ujeedada ugu weyn ee wafdiga maanta yimid Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay inay hordhac u yihiin wafdi kale oo ka socda jaamacada carabta, kuwaasi oo Muqdisho kusoo wajahan.
C/qaadir Amiin Sheikh, safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Kuwait oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdiga ay hordhac u yihiin wafdigaasi oo la qorsheynayo in dhawaan Muqdisho ay soo gaaraan.
Wuxuu sheegay Safiirka in dowlada Kuwait uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya, ayna dhici doonaan mashaariic horumarineed oo dhawaan laga hergelinayo dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

