Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa kusoo waramayo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu kulamo kala duwan la qaadanaayo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo jeeda Beesha Majeerteen.
Wararku waxa ay sheegayan in Ujeedka kulanka uu yahay mid Madaxweyne Xssan uu kalsooni ku weydiinaayo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha, waxaana la tilmaamayaa inuu weydinaayo sida ay u arkaan in Xilka Ra’isul wasaarenimo loo magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo beesha uu kasoo dhex xulanaayo Madaxweynaha.
Sidoo kale, kulanka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haya taageero u raadin Cumar Cabdirashiid oo inta badan Beeshiisa ay kasoo horjeedo in xilkaasi loo dhiibo, iyadoona Madaxweyne Xasan uu dadaal xoogan ku bixinayo in Cumar Cabdirashiid uu ka iibiyo Beesha Caalamka iyo Beelaha Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha oo siyaabo kala duwan fadhiga uga hadlay ayaa waxa ay Madxaweyne Xsasan ku taageeren magacaabista Cumar Cabdirashiid waa haddii ay ka go’antahay, waxa ayna sidoo kale Xassan ku wargaliyeen inay taageersan yihiin Shaqsiyada CCC Sharmaarke.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

