28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

CCC oo diidan in wasiirada uu ku soo daro laba ka mid ah saaxiibada Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan BF Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in R/W Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ka biyo diidan yahay in Golihiisa wasiirada uu kusoo daro laba ka mid ah saaxiibada Xasan Sheekh oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu dhowr jeer R/W CC ka codsaday in Xukuumada cusub uu kusoo daro Xuseen Cabdi Xalane, balse waxaa arrintaasi culeys iyo cagajiidba ka muujiyay Cumar Cabdirashiid, iyadoona ay warar hoose sheegayaan in arrintaasi ay ka taagan tahay Isfahan waa xooggan.

Diidmada CCC ayaa la sheegay inaysan ahayn mid shaqsi ah oo uu diidan yahay Xuseen Xalane, balse uu doonayo in xilkaas la siiyo beesha Mareexaan, isaga oo sheegay in maadaama Kablalax haystaan xilka ra’iisul wasaaraha aysan macquul ahayn in wasaaradda maaliyadda loogu daro.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo magacaabista xubnahaan kuwaasoo horey uu balanqaadyo ugu sameeyey markii xilka laga qaadayey Ra’isal wasaarihii hore ee Cabdiweli Shiikh Axmad.

Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa musharax xilka Ra’isal wasaaraha ayaa kaalin weyn ka qaatey qorshihii xilka looga qaaday Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia, waxaana dabada ka riixayey magacaabistiisa shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dhinaca kale booqashadii Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku tagey waxyar kadib markii xilka loo magacaabey Cumar Cabdirashiid magaalada Kismayo ayaa waxaa balanqaad xoogan uu kasoo qaadey madaxda Jubaland in Xuseen Xalane kamid noqonayo golaha Wasiirada madaama aan xilka Wasiirka Kowaad loo magacaabin.

Ku-simaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane ayaa sidoo kale waxaa ka biyo diidan  inuu kamid noqdo golaha wasiirada ee cusub beesha caalamka madaama uu ka qayb qaatey dhexgalkii lagu sameeyey xildhibaanada Barlamanka dowlada Federaalka Somalia dabadana ka riixayey mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isal wasarihii hore.

Fowziyo Yuusf Xaaji Aadan oo iyadu qudareyneysa iney kamid noqoto golaha Wasiirada ee cusub madaama gacansaar dhow leeyihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa waxaa loo haystaa ceebtii ka dhacdey Bangiga dhexe ee Somalia iyadoo warbixin sanadkii lasoo dhaafey kasoo baxdey QM lagu eedeeyey iney qayb ka aheyd musuq-maasuq la doonayey in lagu dhaco hantida qaranka Somalia ee dibada taala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News