Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ee ku aadka u dhow Xasan Sheekh, ayaa waxa uu Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ugu baaqay inay la socdaan Cabashooyinka kasoo yeeraaya beelaha qaar ee aan weli la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Xubnihii la qeybinaayay.
Waxa uu sheegay inay Jiraan beelo dhowr ah oo aan weli ka dhexmuuqan Xukuumada, taasina loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ku darsadaan xisaabta.
“Xaqiiqda waa taas, madaxweynaha waa inuu runta arkaa, oo uu dareemaa inay jiraan cabashooyin dhowr” ayuu yiri.
Sidoo kale, Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in isbedal sidaasi ah aanu ka muuqan xukuumadaan, sidaa oo ay tahayna loo baahan yahay in wasiiradaan lala shaqeeyo si loo arko wax qabadkooda.
Jeesow waxa uu tilmaamay in Beelaha cabanaaya aan xildhibaano ugu jirin BF Somalia islamarkaana waayay Xubinimadii ay ku dhex lahaayen Golaha Wasiirada.
Waxa uu ka hor imaaday hadalada hanjabaada ah ee ku aadan inaan la ansixin doonin Xukuumada Cusub waxa uuna Tilmaamay in lagu jiro xili aan Nabada iyo Horumarka laga soo horjeesan sidaa awgeedna ay mudan tahay in la fiiriyo maslaxada iyo duruufta shaqsiyaadkaasi loo soo magacabaay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]