Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerar culus ku qaaden Xero ciidan oo ku taala deegaanka Holhol ee koonfur galbeed Borama, taasi oo fariisin u aheyd Ciidamada Maamulka Somaliland.
Ciidamada Maamulka ayaa la sheegayaa inaysan weerarkaasi ka bixin wax Jawaab ah, waxaana la soo warinayaa in Weerarkaasi uu Ciidamada kasoo gaaray Khasaaro kala duwan oo aan weli la shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
Weerarka iyo dagaalka kadib ayaa la soo warinayaa in Maamulka Axmed Siilaanyo uu kulan adag la qaatay Nabadoonada Beelaha dega Boorama oo ay kala duldhaceen Hanjabaado, iyagoona ugu baaqay in muddo kooban gudaheeda war cad uga soo saaran weerarkii lagu qaaday Xerada.
Nabadoonada ayaa la sheegay inay qabsadeen ilaa barri inay go’aan ka soo gaari doonaan.
Dhanka kale, Kooxaha weerarka qaaday ayaa la sheegayaa inay u baxsadeen dhanka Xadka ay Somalia la wadaagto Ethiopa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

