27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

COD: Maxay DF kala socotaa ajaaniibta cunqabateynta ku haysa Soomaalida?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabaha ay kala socdaan hadii ay jiraan shaqooyin ay qaban karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay qabtaan dadka Ajaaniibta ah ee dalka jooga.

Agaasimaha wasaaradaas iAweys Sheekh Xadaad oo wareysi gaar ah siinayay idaacadaa Goobjoog FM ayaa sheegay in wasaaraddu ay la socoto shaqooyinka dalka iyo sidoo kale waxa ay qaban karaan muwaadiniinta iyo kuwa ay qabtaan ajaaniibta.

Dalka ayuu sheegay markii uu nabad noqday in ay yimaadeen dad ajaaniib ah kuwaa oo soo shaqo doontay, waxaana uu tilmaamay in Ajaaniibta yimaada ay keensadaan shirkado Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayuu sheegay in muddo badan ay ku cel celiyeen in Shaqo uu qaban karo muwaadin Soomaaliyeed aan loo dhiibin qof ajnabi ah, waxaana uu tilmaamay in ganacsatada ajaaniibta keensata qudhooda looga baahan yahay in ay xil is saaraan oo ogaadaan in ay jiraan Soomaali shaqooyinkaasi qaban kara.

Goor dhaw ayuu sheegay in la arki doono wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya oo kormeeraysa goobaha shaqo, islamarkaana ajnabigii haaya shaqo ay Soomaali qaban karto u mahad celinayaan una sheegayaan in howshaan muwaadinka uu qaban karo.

Mar aynu wax ka weydiinay tirada dhabta ah ee dadka ajaaniibta ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayuu sheegay Agaasime Xadaad in xilligaan tiro rasmi ah lahayn, hase ahaatee ay socoto tirakoob arintaasi ku saabsan, isaga oo uu qiyaas ahaan uu sheegay in Ajaaniibta Magaalada ka shaqeysata gaarayaan 7-kun ilaa iyo 9-kun oo Ajaaniib ah.

Sidoo kale Agaasimaha ayeeynu wax ka weydiinay shaqooyinka ay xilligaan dadka ajaaniibta ah ka qabtaan magaalada Muqdisho.

“Marka hore waxay nagu soo galeen in ay qabanayaan shaqooyin aysan Soomaalida qaban karin, waxay nagu soo galeen iyaga oo la socda ganacsato iyo shirkado, xisaabiye sare Farsamayaaqan sare, waxyaabahaasi ayeey nagu soo galeen, laakiin markii aan ogolaanay oo ay sii socdeen wey balaarteen oo waxay isku bedaleen ilaa ninka dhisaayo dhismaha kan bulkeetiga qaadayo, kan darbiga masaxayo, weytarka dhamaan inay iyaga ayeey noqdaan, anaga waxaas ma aan weynin 2-milyan dad ka bada ayaa jooga” ayuu yiri agaasime Xadaad.

Ka wasaarad ahaan ayuu sheegay in ay qabteen tababaro badan oo ku aadan shaqooyinka ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in ay dhamaatay in Ajnabi uu qabto shaqo muwaadinka Soomaaliyeed qaban karo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News