Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Degmada Hoosingo ee Gobolka Jubada hoose, ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemaayo saan saan colaadeed oo u dhexeeya Ciidamada MKG Jubba iyo kuwa deegaanka.
Ciidamada Maamulka, ayaa halkaasi geeyay ilaa Lix gaari nooca dagaalka ah, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay halkaasi ka saaraan Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa deegaanka Hoosingo, si ay iyaga u maamulaan Degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeeda in Ciidamada Maamulka KMG Jubba ay halkaasi maamulaan, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamadaasi ay hanjabaado kala duldhaceen dhowr Oday oo iyagu damacsanaa inay kala xaajoodan arrinta duulaanka ah.
Nabadoon C/qaadir Faarax oo kamid ahaa Odayaasha loo hanjabay ayaa waxa uu yiri ” Waxaa nasoo duldagay Ciidamo uu watay Maxamuud qaalib oo hal beel ah, waxan u dirnay Odayaal la xaajooda, markii lesku dayay inaan la xaajoono waxa ay noo sheegen inay waajibkeena na waafajin doonaan haddii aan ka dultagin”
Waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray “Colaad baa meesha ka socta, waxaa inoo muuqata in Beesha axmed madoobe ay wado dhul balaarsi, ciidanka nasoo dul dagay waxaa laga keenay Dhoobley waxa ayna ku qabiilyihiin Axmed Madoobe”
Waxa uu sheegay in tani ay tahay beel wada dhul-balaarsi, islamarkaana uu Axmed Madoobe u cabiidinaayo beeshiisa.
Waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay jawaab degdeg ah ka bixiso talaabooyinka ay Ciidamada MKG Jubba ku doonayaan inay ku boobaan Shacabka deegaanka Hoosingo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

