Tirada xildhibaanada maamulka GALGADUD iyo MUDUG iyo sida ay beelaha u kala qaadanayaan

Cadaado (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamanka maamulka cusub ee Mudug iyo Gal-Gaduud laga dhigi doono 65 xildhibaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qorshaha socda uu yahay in beelaha dega labada gobol ay sidan u kala qaataan xildhibaanada:-

Habargidir iyo Duduble waxaa la siinayaa 25 Xildhibaan oo ka dhigan in min shan Xildhibaan ay u kala qaadanayaan afarta jilib ee Habar-Gidir iyo Duduble.

Beesha Mareexaan waxaa loo qoondeenayaa illaa 7 xildhibaan.

Beesha Dir: Shan Xildhibaan.

Leelkase: Shan Xildhibaan .

Madhibaan: Saddex Xildhibaan

Waceysle: Shan Xildhibaan .

Murusade: ShanXildhibaan

Majeerteen: Shan Xildhibaan

Carab Saalax: Laba Xildhibaan .

Sheekhaal: Saddex Xildhibaan

Inkasta oo aan weli si rasmi ah la isugu raacin, haddana waxaa sida aan xog ku helnay qorshaha uu yahay in magaca maamulka uu ahaado Gal-Mudug State of Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com