SAWIRRO: Daacish oo dil ku xukuntay Gabdho Somali ah

Nairobi (Caasimada Online)-Qoraal dheer oo kusoo baxay Wargeyska caanka ah ee dailymail ee ka soo baxa Magaalada London ayaa qoray in Gabdhaha Mataanaha Somali British-ka ee bishii July ee sannadkii hore ka soo tegay magaalada Manchestar ee dalka Britain ayaa ku biiray Kooxda Daacish, waxaana halkaasi ku guursaday Rag ka tirsan Dagaalamayaasha Daacish, oo ugu dambeyntii lagu dilay dagaal.

Mataanayaasha oo lagu kala magacaabo Sahra Halane iyo Salma Halane ayaa la sheegay inay bishan May 2-dii ka soo baxsadeen Degmadda Mosul ee Waqooyiga Iraq, halkaasi oo ay deegaan ka dhigteen.

Mataanayaasha oo 16 jirro ah ayaa la hadal hayaa inay iyaga iyo gabar kale oo British ah oo horey ugu biirtay Kooxda Daacish ay ka soo baxsadeen Kooxda Daacish , islamarkaana lagu rajo weyn yahay inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo gaari lahaayeen xuduudka dalka Turkiga ama deegaano kale oo ammaan ah oo ay Ciiddanka Kurdishka gacanta ku hayaan, si ay ugu fududaato inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Sidoo kale, Blogger lagu magacaabo Indhihii Mosul “Mosul Eye” ayaa qoray inay Dagaalyahannada Daacish baadi-goobayaan Gabdhahaasi, kuna goodiyeen inay dili doono hadii ay soo qabtaan Gabdhahaasi oo ay ka geeriyoodeen rag ka tirsanaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish oo lagu dilay iska horimaad.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Theresa May ayaa sheegtay inaan Matanayaashaasi loo ogolaan doonin inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Ugu dambeyntii, Theresa May oo la hadashay Barnaamijka Subax Wanaagsan Britain (Good morning Britain) ee Telefishinka ITV waxay kaloo sheegtay inay mid mid u eegayaan asaaska kiisaskooda iyo dad kasta oo dib u soo laabanayo.
1

2

Dailymail

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com