XOG: Jawaari oo xaalad culus ay soo wajahday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xaalad culus kasoo wajahday Mooshinka uu aqbalay ee horyaala guddoonka Baarlamaanka kadib markii culeysyo waaweyn uga yimaadeen xildhibaano iska soo horjeeda oo Mooshinka qaar wadaan, qaar kalena ay ka horjeedaan.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa caawa Guddoomiye Jawaari ka dalbaday inuu Mooshinka Baarlamaanka hor keeno oo ajendaha berito ee Talaadada ah kusoo daro mar haddii mudadii uu heysan karay guddoonka soo idlaatay, Waxayna ugu hanjabeen guddoomiye Jawaari haddii uu Mooshinka hor keeni waayo Baarlamaanka inay iyagu iskood u qeybin doonaan mooshinkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha oo xalay la kulmay xildhibaanada ka horjeeda mooshinka ee taageersan Madaxweynaha ayaa uga digay Jawaari inuu Baarlamaanka hor keeno Mooshinka Madaxweynaha oo ay caddeeyeen inuu yahay mid jaban oo tiro ahaan xildhibaano laga been abuurtay ku jiraan. Waxayna si cad u sheegeen in dagaal uu ka dhici doono Baarlamaanka haddii mooshinkaasi la keeno.

Mooshinka madaxweynaha oo dhibaatooyinkan ka sokow u baahan in sharciga la waafajiyo oo qodobada lagu soo eedeeyay ay saxnimadooda sharciyeyso Maxkamadda Dastuuriga oo aan jirin ayaa waxaa culeyskiisa oo dhami dul saaran yahay Guddoomiye Jawaari oo xaalad aad u cakiran dhex fadhiya kuna bateen culeysyada heysta.

Isha: goobjooge