Exclusive: Puntland oo daabacatay lacag shillin Soomaali faalso ah kadib xaalad lasoo daristay!!

Boosaaso (Caasimada Online) – Xukuumada Puntland ayaa qorsheyneysa in maalmaha soo socda suuqa soo galiso lacag Shilin Soomaali ah oo lagu daabacey gudaha dhismaha Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wasaarada maaliyada ku jirto diyaar garowegii ugu dambeeyey ee lacagtaan Shilin Soomaaliga ah ku soo galin laheyd suuqayada magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo xogtaan tibaaxeyso in lagu bixinayo musharharadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.

Wararka Caasimada Online ay haleyso, ayaa sidoo kale sheegaya in asbucii lasoo dhaafey wasiirka maaliyada Puntland uu la kulmey gancsatada magaalada Boosaaso isagoo ka codsadey iney tageeraan qorshaha lacagta Shilin Soomaaliga lagu daabacayo.

Ganacsatada Puntland ayaa ka biyo diidey codsigaan iyaga oo sheegey in lacagtaan loo baahneyn madaama suuqa sarifka lacagta fadhiyo islamarkaana dowladu cashuuraha ku qaado dollar iyadoo sidoo kale uusan jirin sicir barar dhibaato u keena dadka danyarta ah ee hela dakhliga aan tirada badneyn.

Ganacsade diidey in magaciisa aan xusno madaama xaalada taagan u samaxeyn ayaa sheegey in kulankaan wasiirka maaliyada Puntland la socodsiiyeen in Puntland waqtigaan lacago kale oo Shilin Soomaali sharci daro ah suuqyada ku jiraan taasoo keeni karta in sicir bararku cirka isku shareero hadii lacago kale la daabaco.

Dhinaca kale waasarada maaliyada Puntland oo la kulantey sariflayaasha magaalada Boosaaso, ayaa ka dalabatey in hadii lacagta Shilin Soomaaliga oo la soo daabacey suuqa soo gasho aysan sarifka lacagaha dollarka kor u qaadin.

Sariflayaasha magaalada Boosaaso ayaa u sheegey in aysan iyagu xakumin dhaqdhaqaaqa sarifka lacagaha madaama suuqu xakumo codsiga iyo dalabka imaanaya (Demand and Supply).

Wararka la xiriira daabacada lacagaha Shilin Soomaaliga ah, ayaa waxaa wel-wel weyn horey uga muujiyey shacabka iyadoo dhowaan culimaa’udiin la kulmeen guddoonka Barlamanka Puntland, kuwasoo ka digey dhibaatada ay keeni karto lacago Shilin Soomaali ah oo la daabaco.

Makiinada lacagta ku daabaceysa xarunta Bangiga Boosaaso ayaa waxaa maalgaliyey shaqasiyaad ganacsi ka raadinaya iyadoo dowlada Puntland-na rabto in mushaharka ku bixiso balse su’aasha taagan waxay tahay madaaama maalgalin farabadan ku baxdey sameynta lacagtaan sidee kharashkii galey kusoo celein kartaa?

Xogogaal ka warhayey waqtigii lacagaha shilin Soomaaliga ee falsada ah lagu daabacey degaanada Puntland markaasoo uu madaxweyne ka ahaa Cadde Muuse, ayaa waxaa u sheegey sida kaliya oo maalgaliye-yaasha warshadaan ku heli karaan faa’ido iney tahay iyagoo suuqa soo galiya lacag farabadan taasoo ay ku badalanayaan dollarka suuqa yaala.

Talaabadaan ayaa sababeysa in Shillin Soomaali farabadan oo suuqa lagu soo daadsho uu baadigoobo ama lagu badasho dollarka yar ee deeganada Puntland kasoo gala xoolaha la dhoofiyo iyo mushaharka hay’adaha caalimaga ah ay shaqaalaha siyaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas amrey maalmihii lasoo dhaafey in ganacsatada maalgalineysa daabacada lacagtaan la siiyo doolarka wasaarada maaliyada cashuur ahaanta u qaado taasoo u suuragalineysa iney soo iibsadaan qalabka ay u baahan yihiin ( The Raw Materials).

Gaas ayaa waxaa haysta culees xooggan, ayada oo maamulka Puntland uu la tiicayo dhaqaale xumo baahsan, oo keentay in bilo dhowr ah aan la bixin mushaharkii shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Isku- soo xoori waxaa marag ma doonto ah in lacag Shillin Somali faalso ah oo lagu daabaco degaanada Puntland abuurayaan qiimaha dollarka oo kor u kaca, badeecada suuqayada taala oo qaali noqota taasoo markiiba keeneysa in shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada ee la siiyo mushaharka yar maciishada gadan waayaan, halka dadka danyarta ah ganacsigooda suuqa ka baxayo.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com