Xog: Xasan Sheekh iyo Jawaari oo wada qorshe lagu baajinayo mooshinka ka dhanka ah Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka BFS ayaa sheegaya in Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu wado qorsho cusub oo Xildhibaanada looga hor istaagayo ka doodista arrimaha Darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka Somalia.

Jawaari ayaa lasoo warinayaa in qorshahaani uu doonaayo inuu la kaashto xubnaha gudoonka sare ee BFS si gabi ahaanba looga takhaluso barnaamijka looga hor imaanaayo darbiga iyo boobka lagu hayo qeyb kamid ah xadka kala beyra Somalia iyo Kenya.

Xildhibaan ka tirsan gudiga arrimaha dibadda BFS ayaa inoo xaqiijiyay in durbadiiba ay culeys kala duwan kala kulmayaan xariiqidii 5-ta qodob ee looga hortagaayay xadgudubka Kenya, uuna arrintan ka dambeeyo madaxweyne Xasan Sheekh oo cadaadinaya Jawaari.

Xildhibaanka waxa uu farta ku goday in Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweyne ay doonayaan inay ka hortagaan mooshin la rabo in ciidamada Kenya looga saaro Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in talaabo waliba oo ay qaadan Xildhibaanada kuna aadan ka hortaga dhismaha darbigaasi uu Jawaari ka hor imaanaayo, balse ay ka go’an tahay inay awood ku hirgaliyaan go’aankooda.

Dhanka kale, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Mas’uuliyiintii ugu sareysay dalka ay is hortaagan sharciyada BFS, iyaga oo mar waliba u hiilinaaya Dowladaha shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com