Kulan carro leh oo dhex maray Xasan & Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Madaxtooyada Somalia ku kulamay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid ku saleysnaa Doorashada dalka ee la filaayo inay dhacdo sanada 2016-ka ee fooda nagu soo heysa iyo qaabka haboon ee BF uu u dhaqan galin lahaa waxyaabaha kasoo baxay shirkii muqdisho kusoo dhamaaday iyo kaalinta kaga aadan kan iminka ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xassan iyo Jawaari ayaa si wada jir ah u lafaguray natiijooyinkii kasoo baxay shirka wada-tashiga waxa uuna Jawaari Madaxweyne Xassan ka dalbaday in BFS kaalintiisa aan la xaqirin oo uu ka dhex muuqdaa kulamada.

Jawaari waxa uu sheegay in inta badan maamulada dalka aysan u hogaansamin sharciyada BF, taasina ay keeni doonto in wax waliba ee kasoo baxa shirarka soo socda lala baalmaro BF oo mudan in wax waliba isaga la hoosgeeyo.

Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Xassan u sheegay in mudadii uu socday shirka wada-tashiga uusan Afkiisa iyo afka Madaxda kale ee dalka uusan marna ka maqal in ay Dastuurka iyo Golaha shacabka marinayaan Natiijooyinka ka soo baxa shirarka looga tashanayo aayaha Somalia.

Gudoomiye Jawaari oo mudada uu kulanka la qaadanaayay Xassan Sheekh ay ka muuqatay carro ayaa Madxaweynaha uga digay in aysan garab marin Dastuurka Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu yahay lama taabtaan, loona baahan yahay in wax waliba oo kusoo kordha Siyaasada dalka lasoo mariyo BF.

Wuxuu madaxweynaha u sheegay haddii la baalmaro Dastuurka iyo BF waxa ay noqon karto Dowlada, waxa uuna u cadeeyay in burburka Somalia ay koow ka tahay sharciga oo la baalmaro, waxa uuna Xassan Sheekh ka dalbaday inuu u nuglaado BF oo dhankiisa uu ka dhooro sharciga.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa ka qiray in mudadii uu socday shirka Wada-tashiga ay dheceen qaladaad badan, balse uu iminka ka raali galinaayo Jawaari, waxa uuna Xassan Sheekh ballanqaaday in shirka ka dhici doona Kismaayo si toos ah loo hoosgeyn doono BF.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in lagu qasban yahay in maamulada dalka ay u nuglaadan BF, islamarkaana lala xisaabtamo, balse waxa uu Jawaari ka codsaday inuu fududeeyo arrimaha qaar bacdamaa uu madaxweynaha ku dooday in Somalia aysan wada gaarin Dowladnimada.

Dhanka kale, kulanka labada mas’uul oo ahaa mid Gudoomiyaha BFS looga carro tiraayay tabashadiisa ku aadaneyd Shirkii wada-tashiga, ayaa waxa uu markii danbe kusoo idlaaday guul, waxa uuna Jawaari qaatay tallooyin gaar ah oo uu usoo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com