DHACDO: DOOLI sababay in dhulka lasoo dajiyo diyaarad hawada sare duuleysay kadib markii….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday dalka India kadib markii diyaarada Air India oo ka duushay garoon ay ku qasbanaatay inay dib ugu soo laabato garoonkii ay ka duushay.

Dadkii diyaarada saarnaa ayaa mar qura galay jawi is buurasho ah, kadib markii ay diyaarada ku dhex arkeen dooli, kaasi oo markii danbe sababay in diyaarada ay dib ugu laabato garoonkii ay kasoo kictamatay oo ku yiilay India.

Duuliyihii waday diyaarada ayaa go’aansaday in diyaarada uu dhulka soo dhigo, waxa uuna garwaaqsaday in dooliga uu sababi karo khatar islamarkaana ay suuragal tahay inuu jaro fiilooyinka diyaarada.

Rakaabkii la socday diyaaradda ayaa waxaa marki dhulka la keenay laga badalay diyaaradda, iyagoona la saaray diyaarad kale.

Diyaaradda dooliga laga helay ayaa kasoo duushay magaalada New Delhi, waxaana ay ku sii jeeday magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Dhacdadaani kadib ayaa waxaa dadkii rakaabka ahaa la hadlay Maamulka Air India oo ka cudur daartay dhacdadaani, waxa ayna macaamiisha ku qanciyeen in arrintaasi ay ku dhacday si lama filaan ah.

Dhanka kale, dalka India ayaa ah dalka ugu doolliga badan addunka, waxa uuna kaalinta koowaad kaga jiraa dalalka mucjisada ay ka dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com