25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Xog: Cabdi Weali Gaas oo baxsad u ah Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan wafdiga madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu dib ugu laaban doono magaalada Garoowe.

Go’aanka dib u laabashada Gaas ayaa ah mid la xiriirta guul darro kasoo foodsaartay shirka wadatashiga ee baryahaani danbe ka socday magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa ah mid uu uga cararaayo in Xassan Sheekh uu uga soo gaaro magaalada Muqdisho, waxa uuna Gaas kasoo horjeeda in arrinta shirka uu kala fadhiisto Madaxda Dowlada oo iyagu awood ku maquuniyay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay inuu u degdegaayo magaalada Garoowe si uu talada ugu celiyo shacabka reer Puntland maadaama ay iyagu yihiin cidda iskaleh go’aanka kama dambaysta ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa aad uga careysan go’aanka lagu laalay waxa uuna wadaa qorsho cagsi ku ah Dowlada oo uu ku dhawaaqi doono goorta uu dib ugu laabto magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News