Muqdisho (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in caqabad ay la kulmi doonaan Wariyayaasha ka howlgala warbaahinta ee ku sugan deegaanada maamulka.
Amarka kasoo baxay Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in lama huraan ay tahay in Wakiilada warbaahinta ka jooga deegaanada Jubbaland ay si dhaqsi ah isaga diiwaan galiyaan Wasaarada.
Amarka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo uu ku saxiixnaa, Wasiirka warfaafinta, gaadiidka iyo isgaarsiinta Jubbaland, Cabdinuur Cali Aadan, ayaa lagu xusay diiwaan gelinta inay billaabatay shalay oo ku beegneyd 3-da bisha Maarso.
Diiwaangalinta ayaa sidoo kale la sheegay inay socon doonto illaa toban maalmood oo maalinta kama dambeysta ah ay tahay 13-ka bisha Maarso, sida amarka lagu sheegay.
Wasaaradu waxa ay ka digtay in la dhaliilsado amarka, iyada oo ku goodisay in caqabado badan ay la kulansiin doonto Wariyayaasha ka dhaga adeega amarka.
Dhanka kale, wasaaradu waxa ay caddeysay in is diiwaangelintu tahay mid lacag la’aan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

