Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay uu halkaasi ka dhacay.
Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee Saldhig Boolis oo halkaasi ku yaalla, waxaana Qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan.
Ujeedka Qaraxa ayaa ahaa in lagu dilo Saraakiil ka tirsanaa Booliska kuwaasi oo ku sugnaa Nawaaxiga Maqaaxi ka soo horjeeda halka uu Qaraxa ka dhacay.
Qaraxa kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Maxamed Axmed Xuseen oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Baardheere, ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ku dhaawacmay Hal Askari oo ka tirsan Booliska DFS, waxa uuna sidoo kale sheegay in dhimashadu tahay laba Askari oo xiligaasi fadhiyay maqaaxida.
Qaraxa ayaa waxaa loo qabtay ilaa Lix kamid ahaa dhalinyarada goobta Qaraxa ka agdhawaa kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin Qaraxa.
Dadka Qaraxa loo qabqabtay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Ciidamo ka tirsanaa Booliska, kuwaasi oo iyaguna looga shakisan yahay inay halkaasi dhigeen Qaraxa.
Dhanka kale, Qaraxan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii dhowr Qarax oo is xigay uu ka dhacay Gobolka Gedo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

