Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug ayaa ka hadlay arimo ku saabsan caasimada maamulka Galmudug oo ka maqan gacan maamulkaasi tan iyo markii lagu dhisay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Wasiirka oo su’aalo kaga jawaabayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku hanjabay iney qabsan doonaan magaalada Dhuusomareeb oo caasimad u ah maamulkaasi.
Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, wasiirka amniga Galmudug ayaa si cad u sheegay in maalmo kooban kadib ay la wareegi doonaan magaalada Dhuusomareeb oo ay maamulaan maamulka Ahlu sunna.
Wasiirka wuxuu sheegay in dastuurka maamulka Galmudug uu dhigayo in muddo 45 cisho gudahood lagu tagaa xarunta maamulka Galmudug, laakiiin iyaga muddo badan ay ku shaqeynayeen magaalada Cadaado oo maamulkooda lagu dhisay.
Magaalada Dhuusomareeb waxaa kusugan maamulka Ahlus unna oo dhawaan iska difaacay qorshe la doonayay in looga saaro magaalada Dhuusomareeb, markii ciidan uu hogaaminayo Liibaan madaxweyne uu weeraray magaalada Dhuusomareeb.
Galmudug ayaana la aamisan yahay iney ka dambeysay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

