Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay ka dhacayeen ilaa xalay oo u dhaxeeyay madaxda maamulka Puntland.
Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxdweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa ka dhacay magaalada Garowe kaasi oo muddo saacado ah qaatay.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray qalqalka dhanka amaanka ee kusoo kordhay Puntland kadib markii kooxo hubeysan ay la wareegeen muddo saacado ah deegaano badan oo ku yaala dhanka xeebta Puntland.
Warar laga helayo kulanka ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu Faroole kala hadlay arimaha amaanka kusoo kordhay, isaga oo ka doonayay aragtidiisa.
Kulamo kale oo u dhaxeeyay saraakiisha ciidamada iyo wasiirada Puntland ayaa ka dhacya magaalada Garowe.
Ma jirto faahfaahin buuxda oo saxaafada laga siiyay waxyaabaha kasoo baxay kulanka u dhaxeeyay Faroole iyo Cameey, maadaama saxaafada aanloo ogolaan.
C/raxmaan Faroole ayaa madaxweyne kasoo noqday Puntland waxaana laga doonayaa inuu maamulka Gaas ku kordhiyo qibrada dhanka amaanka, maadaama uu wax badan kala socdo xaaladaha amaanka ee Puntland.a
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

