Faallo: Ma is dooranaa mise waan ku darsanaa?

Dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee Dalka soo marey 2004 ilaa 2012 wakhtiga Kala guurka ama dhamaadka Xukunka xiligan oo kale waxaa loo fekeri jirey ama sidii loo gaari lahaa Dowlad cusub, waxaana la arki jirey shirar badan iyo mashquul zaa’id ah oo looga hadlaayo aayaha Dalka iyo danta ummadda soomaaliyeed.

Inkastoo sanadkii la soo dhaafey ay dhaceen shirar loogu magacdarey madasha wadataashiga aayaha Soomaaliya ama high level partnership form (HPLF)  oo in ka badan afar jeer ka dhahay gudaha Dalka Ayaa waxaa lagu heshiiyey in qaabka doorashada dalka ay noqoto sidan Soo socota:- aqalka sare in lagu soo xulo qaabka Dowlad-Gobaleedyada, aqalka xoose ama Baarlamaankana lagu soo xulo qaabka 4.5 ama afar beelood iyo bar.

Sanadka aan ku jirno 2016 waxaa Dalka turkey magaalada istanbul ka dhacay shirka aan soo sheeney mid la mid ah, oo bar bar socdey shir kale oo la magacbaxay Diirad Saarida Horumarka Soomaaliya Focusing on progress of Somalia (FPS) oo looga hadlaayey caawinaadii la siiyey Dowaldda hada jirta.

FG. Madasha wadataashiga qaran waxaa ay ka koobneyd todoba xubnood oo Kala ah sidan:- Madaxweynaha Dowladda Dhaxe, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug Iyo Madaxweynaha jubbaland.

Marso ilaa Abriil Sanad 2016 waxaa Dowladda laga sugaayey qorshe oo Dadka Soomaaliyeed ay la wadaagaan oo tilmaamaya qaab ka looga baxayo xiliga Kala guur ka ah.

Hase ahaatee waxaa muuqa saan saan la yaab leh oo dad badan u cuntami doonin oo ah iska dabawageer ( gorey god gal god diin gal, diin god gal god gorey gal )

Madaxda sare waxaad moodaa in ay fekerayaan qaab wakhti dheereysi ah ama Dib u dhigid xiliga doorasha oo ay ku doonayaan xukun dheereysi iyo fulinta dantooda gaar ka ah, taasina Waxay ka soo horjeedaa gaaritaanka dantaguud ee qaranka.

 waxaa Jira arin caalamku  uu san ogolaaneyn oo ah  in Dalka uu Dowlad la’aan noqdo inkastoo Dowladnimada uu saldhig u yahay Baarlamaanka mar Walba.

Hadaba akhriste maxaa ka dhihi laheyd hadii madaxda hada talada heysa ay la soo geed fadhiistaan xili kororsi iyo dib u dhigid xiliga doorashada ee ku beegan August ilaa September 2016.

Guntii iyo gebagebadii horaa waxaa loo yiri tagtaa iska daayee timaado u toog haay, Soomaaliya ha midowdo.

Qore. Mohamed Abdullahi Ahmed
Email. mohamedabdullahi2000@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.  Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com