Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Somalia, ayaa sheegaya in muran aan sidaa usii buurneyn uu durbaba ka dhashay Hubkii loo daabulay maamulka Puntland.
Saraakiishu waxa ay sheegen in amarka lagu bixiyay Hubkaasi uu ahaa in leysku daro noocyada kala duwan ee Hubka u keydsan Dowlada Somalia, balse Hubka la bixiyay ay ahaayen kaliya kuwa fudud.
Hubka loo daabulay Puntland ayaa ahaa kuwa loo isticmaalo qoryaha kala ah Dhashiikaha, AK47 iyo Bambooyin loogu tallo galay in lagu isticmaalo qoriga AK47-ka loo yaqaan si loogu jahwareeriyo maleeshiyaadka duulaanka ku qaaday Puntland.
Hubka amarka lagu bixiyay in loo daabulo Puntland ayaa waxaa kamid ahaa Qoryaha burburiya dhagxaanta waaweyn sida Sabanka, Jabshaha iwm, hayeeshee taasi ay noqoneyso cilad ka timid dhanka Wasaarada Gaashandhiga.
Puntland ayaa xiligaani u baahan Hubka culus ee suuragalinkara in dhulka lagu dhigo daaraha iyo Buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka kasoo horjeeda nabada iyo xasiloonida ka taagan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah in Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga Somalia ay gadaal ka qaado Hub kale oo suuragalinkara in looga itaal roonaado maleeshiyaadka Nabadiidka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

