26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay Xanafi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka qaadatay racfaan dhawaan uu qaatay Xasan Xanafi , kadib markii ay xukuntay maxkamada ciidamada qalabka oo ku riday xukun dil ah.

Waaberigii saaka ayaa maxkamada waxay qaadatay go’aan aan ka duwan go’aankii hore ee maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana markale Xasan Xanafi lagu xukumay dil toogasho.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay islamarkaana lagu xukumay dil toogasho.

Eedeymaha lo heystay Xasan Xanafi ayaa ahaa dillal loo geystay wariyaal badan oo kusugnaa magaalada Muqdisho, waxaana barnaamij lagu wareystay uu ku qiray in qaarkood dilalka loo geystay wariyaasha uu wax ka oogay.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa lagu celiyay xabsiga dhexe ee Xamar, maadaama saaka laga kaxeeyay intii maxkamadeyntiisa ay socotay, waana dil suge.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News