Beledweyne (Caasimada Online) – Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo shirarka maalmahaan ka dhacayay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo hadaladii kasoo baxay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne.
Banaanbaxa oo ka dhacay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa dhigay shacabka gobolka Hiiraan.
Dadka banaanbaxa dhigay ayaa la sheegayaa iney waxyeelo u geysteen ciidamada dowlada Soomaliya ee kusugan magaalada Beledeyne ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in seddex kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada dowlada SOomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka gobolka ay rasaasta fureen halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheikh ay rasaasta ku fureen dadka banaanbaxa dhigaya.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

