Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dab uu ka kacay hotel ajaaniib degenaayeen oo ku yaala magaalada Hargeysa, kaasi oo qasaaro geystay.
Dabka ayaa ka kacay dhisme hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Hargeysa, waxaana uu geystay burbur hantiyadeed oo soo gaaray hotelka.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhaawacmay kaasi oo u dhashay dalka Yemen, markii uu isku dayay inuu ka duulo dhismaha hotelka, iyadoo waxyeelada ay soo gaartay xiligaasi.
Dabka oo kacay xalay saqdhexe ayaa waxaa markii la sheegay in ciidamada booliska iyo dab damiska oo iskaashanaya ay damiyeen dabka.
Lama oga waxyaabaha sababay in dabka uu kaco, balse waxaa loo badinayaa inuu ka bilowday kushiinka ama goobta cunada lagu kariyo ee hotelka.
Waxaa hotelka masuul ka ahaa dad u dhashay dalka Yemen oo ganacsato ah kuwaasi oo la sheegay iney sii kireyn jireen.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

