Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay dil aad ay kaga naxeen dad badan oo maqal uu ku gaaray warka, halka dadkii goobjoogayaa ahaane ay la yaabeen falka.
Dilka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha masjid ku yaala degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxana loo geystay ruux masjidka dhexdiisa markii uu dukaday kitaab aqrisanayay.
Sade Mahad Dirir oo uu dhalatay ganacsade si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dhexdilay masjid ku yaala degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana kooxaha falka geystay ay ka baxsaday masjidka.
Dadka ku sugnaa masjidka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay at gudaha u galeen marka hore masjidka kadibna ay dileen Sade Dirir isaga oo kitaab aqrisanaya.
Sade Dirir wuxuu lacagta kirada ka qaadi jiray guri ay lahaayeen oo ku yaala degmada Heliwaa kaasi oo uu degenaan jiray gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Lama oga sababta loo dilay, waase dilkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

