Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uu u tagay magaalada Beledweyne inuu laaluush ku kala qeybiyo waxgaradka gobolka Hiiraan.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in Xasan Sheikh uu odayaasha qaar u balanqaaday xilal halka qaarkoodna uu siiyay dhaqaalo badan, taasi oo keentay inuu kala qeybiyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan aysan aqoonsaneyn madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay iney la dagaalamaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo ka careysan inaan la dhageysan rabitaanka shacabka gobolka Hiiraan.
Cabdulaahi Goodax Barre ayaa si aad ah ay iskugu dhawaayeen Xasan Sheikh Maxamuud markii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha, balse markii dambe ayay kala furteen markuu iska waayay liiskii golaha wasiirada.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/03/Xildhibaan-Goodax.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

