Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Abuukaate Daahir Xassan Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa si adag uga hadlay go’aanada ay Dowlada Somalia kasoo saartay kulamadii u dhexeeyay Dowlada iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Abuukaate Daahir Xassan Cabdi oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu iminka dib ugu dhiiranaayo in Colaad uu ka dhex abuuro Beelaha Soomaaliyeed kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay kala geynta Odayaasha waxa uuna sheegay in dhib waliba oo ka dhaca Gobolka Hiiraan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Abuukaate Daahir waxa uu sheegay in aragti ahaantiisa uusan wanaag u arag in Madaxweynaha dalka uu rabitaankiisa gaarka ah ku cadaadiyo Odayaasha iyo shacabka Hiiraan, waxa uuna farta ku goday in tani ay horseed u noqonkarto Colaad sababteeda uu yeelan doono Xassan Sheekh.
”Dowladu waxa ay dagaal kusoo qaaday Odayaasha Hiiraan, dagaalka waa mid laga soo maleegay xamar, waxaan u aragnaa in go’aanka iyo dagaalkuba uu yahay mid iyada ay xal u aragto balse uma heysano inuu yahay rabitaanka shacabka”
”Qorshaha Xasan Sheekh waxa uu ahaa wixii aan kasoo wadi karno Odayaasha aan kasoo wadno aan ku biirino shirka Jowhar, hadaba qorsho noocaasi ah xal ma u noqonkaraa masiirka reer Hiiraan, waa dagaal Siyaasadeed qaawan oo aan xal lagu gaarikarin”
Xildhibaan Abuukaate Daahir Xassan Cabdi waxa uu sidoo kale sheegay in booqashada Xassan Sheekh uu dhibaato u ahaa shacabka Hiiraan, isaga oo tusaale usoo qaatay dhimashada iyo dhaawicii ka dhashay dibad-baxyadii looga soo horjeeday cadaadinta Dowlada, ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xassan Sheekh iyo Xubnihiisa ay kala geeyen Odayaal, Siyaasiyiin iyo shacab isku xirnaa oo doonaayay inay ka fiirsadaan masiirkooda si ay u furaan shirweyne lagu heshiisiinaayo Beelaha dega Gobolka Hiiraan, balse ay Dowladu u baasbaxday qorshaha Hiiraan.
Dhanka kale, Xildhibaan Abuukaate Daahir Xassan Cabdi ayaa sheegay in dhibaato waliba oo kasoo cusboonaato Gobolka Hiiraan ay kula xisaabtami doonaan Xassan Sheekh oo uu ku eedeeyay inuu u tafaxeetay kala geynta Bushada Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

