26.5 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Qaraxyo halis ahaa oo Muqdisho lagu qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo la dhigay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Gaariga oo ahaa nooca Kaaribta loo yaqaan ayaa laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo ummada Soomaaliyeed ee kusugan Caasimada dalka.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in gaariga la doonayay in dad shacab ah lagu dhibaateeyo, waxaana la dhigay agagaarka madaxtooyadii C/qaasim ee degmada Hodon ee SONNA ay daacacday.

Ciidamada nabad sugida ayaa baaritaano ka wada degmada Hodon waxayna kaga hortagaan falalka amni darada keenaya, waxaana la qabtay dhalinyaro badan oo degmada Hodon ku sugan.

Gaariga ayaa markii dambe qaraxyadii ku xirnaa waxaa ka furfuray ciidamada NISA oo u tababaran.

La soco waxii ksoo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News