26.5 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Faa’idada Puntland ugu jirta aqbalidda 4.5

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Puntland ay diiday nidaamka 4.5 oo lagu soo xulayo aqalka hoose ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo baxay balanqaadyo badan oo loo sameeyay madazxweynaha Puntland.

Balanqaadyada ayaa waxaa C/welli Gaas u sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD kuwaasi oo ku kulmay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Waxyaabaha loo balanqaaday C/welli Gaas waxaa kamid ah in laga taageerayo hergelinta mashaariic  horumarineed oo laga fulinayo deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe,

Sidoo kale waxaa loo balanqaaday in Puntland ay heli doonto dhaqaalo badan oo lagu soo qaato madaxa Soomaaliya, sidoo kale waxaa loo balan qaaday inuu heli doono taageero toos ah oo beesha caalamka kaga imaaneyso.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegeysa in Cumar C/rashiid kulan gaar ah oo uu la qaatay C/welli Gaas iney isku soo dhawaadaan labada dhinac, iyadoo C/welli Wali uusan badalin mowqifkiisa.

Waxyaabaha sida weyn Puntland looga taageeri doono waxaa kamid ah dhinaca horumarinta dhaqaalaha laga taageero Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News