Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Garoowe ay gaaren Wafdi heer sare oo ka socda Urur-goboleedka IGAD, ayaa waxaa soo baxaayo rajo laga muujinaayo kobaca ku socda Siyaasada Somalia oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid liitay.
Xoghayaha guud ee IGAD Eng. Maxbuub Macalin, oo kamid ah Wafdiga, ayaa sheegay in Somalia ay leedahay Rajo Siyaasadeed, waxa uuna tilmaamay inay ku jirto xiligii ay kasii baxeysay is qabqabsiga iyo Khilaafyada salka ku haya Siyaasadaha taagan.
Maxbuub Macalin, waxa uu sheegay inay u muuqato isku filnaan iyo kala danbeyn ay muujinayaan Madaxda Somalia, isaga oo tusaale usoo qaatay heerka Siyaasadeed ee iminka ay kusii talaabayaan Madaxda DFS iyo kuwa maamulada dalka.
Wuxuu sheegay in iminka ay madaxdu bilaaben in dhex dooda ay xaliyaan Khilaafaadka taagan waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka ay Dowlada u hogaamineyso Siyaasada taagan.
Sidoo kale, Ergayga IGAD u qaabilsan Somalia Maxame Cabdi Afey, ayaa isna sheegay inay ku taamayaan Somalia oo mid ah islamarkaana aan caalamka uga baahneyn wixii xili hore looga baahnaan jiray.
Danjire Afey waxa uu sidoo kale, sheegay in bilihii danbe ay Caalamka bilaaben in Somalia ay ku cadaadiyaan in Khilaafyadooda ay dhexdooda xalistaan, waxa uuna taasi ku sheegay inay tahay mid muujineysa jilicsanaanta madaxda Soomaalida.
Haddalka Maxbuub iyo Afey, ayaa imaanaya xili magaalada Garoowe uu shirar uga socdo Xukuumada Somalia iyo Maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

