26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Shacabka PUNTLAND oo camiray goobaha lagu SHAAHO iyo hal arrin oo leys weydiinayo ( Akhri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in inta badan shacabka ku hoos nool maamulka ay yihiin kuwo si aad u hadal haya shirarka ka socda magaalada Garoowe ee u dhexeeya Xukuumada Somalia iyo Madaxda maamulka.

Xarumaha maamulka iyo Goobaha ay isugu imaadan dadka deegaanka ayaa laga hadal hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka, waxa ayna dadku yihiin kuwo saadaalinaaya in Punaland ay ka tanaasuli doonto mowqifkeeda ku aadan diidmada 4.5.

Dadka qaar ayaa shaki ka muujiyay kulanka ay kusoo biirtay IGAD, kaasi oo ifafaalo u noqonkara in Puntland ay aqbali doonto ka laabashada go’aanka ay ku diiday 4.5.

Dadka ayaa sidoo kale is weydiinaaya daahitaanka saa’idka ah ee Ra’isul wasaare Sharmaarke, waxa ayna taasi bidhaamisay suuragalnimada in Madaxweynaha maamulka uu ka tanaasuli doono mowqifkiisa, inkastoo dadka qaar ay qabaan in is uruursiga Xukuumada Somalia iyo IGAD ay cadeyn u tahay in Puntland ay kusii fogaaneyso mowqifkeeda.

Dadka qaar ayaa qaba inay wanaagsanaan laheyd in Puntland ay muujiso dib uga laabasho ku aadan diidmada 4.5, sababo la xiriira fashil ku imaada diyaarinta doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka.

Sidoo kale, dhalinyarada Puntland qeybo kamid ah waxa ay qabaan in Puntland ay dabciso canaanta farahabadan oo ay kusii fogaaneyso, bacdamaa Dowladu ay iminka aheyn mid KMG-ah islamarkaana ay awoodo inay qaado talaabooyin badan oo caqabado dhanka caalamka ku noqonkara maamulka.

Puntland ayaa la sheegay inaysan diidanayn in doorasho dhacdo balse ay kasoo horjeedo qaabka loo maaraynayo, kaas oo kaalin muqata uu ku leeyahay habka qabiilka ee 4.5.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro waxa ay noqon doonto is afgarashada, inkastoo kulamada socda ay u muuqanayaan mid Puntland ay uga tanaasuli doonto mowqifkii ay ka taagneyd 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News