25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dagaal culus oo ka dhacay garoonka CADAADO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo Dagaal culus.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa la sheegayaa inuu ka socdo Garoonka Diyaaradaha Cadaado, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Ammaanka iyo Ganacsato.

Dagaalka ayaa wuxuu yimid ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac, oo ku aadan in ganacsaduhu uu qaad kala soo degaayo Garoonka iyo inaanu kala soo deggi karin.

Dagaalka ayaa la soo warinayaa in la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii guud ee Magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas xoogan oo dhawaq kala duwan leh waxa ayna cabsida ugu badan soo wajahday dadka deegaanka.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha labada dhinac, waxaase lasoo sheegayaa in Dagaalka uu wali yahay mid socda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News