Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa iminka degan guud ahaan xaalada magaalada Cadaado, gaar ahaan Garoonka magaaladaasi oo qorox dhicii caawa ay ku dagaalameen Ciidamada Maamulka iyo Maleeshiyaad daacad u ahaa mid kamid ah Ganacsatada magaalada Cadaado.
Dagaalka oo khasaaro geestay ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Maleeshiyada Ganacsade uu usoo dago qaadka Cadaado iyo Ciidanka ammaanka Garoonka Cadaado, kuwaasi oo isku qabtay lacago la sheegay inay ahaayen Canshuur.
Ciidanka NISA ay gaaray goobta dagaalka oo aheyd Garoonka Diyaaradaha Cadaado si ay uga qaadan Maleeshiyaadka uu wato Ganacsadaha, balse sidaa dagaalka kusii xoogeystay.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa shan qof kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Cadaado, waxa ayna dadka deegaanka soo sheegayaan in khasaaruhu uu intaa ka badan karo, islamarkaana ay jirto dhimasho.
Maamulka Galmudug ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka saamaynta ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii Magaalada, waxaana hadda degan xaalada Garoonka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

