26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Sawirro: DFS oo lagu haysto beelo ay isku dirtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada Somalia ay wakhtigaani ka shaqeyneyso kala geynta iyo iska horkeenka dadka kasoo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, sida ay hadalka u dhigeen Odayaasha.

Odayaasha dhaqanka ayaa hadalkaani ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen madasha uu ka socdo shirweynaha dib-u-hishiisiinta magaalada Beledweyne, waxa ayna cod dheer ku sheegen in Dowlada ay ololineyso xiisad ka dhex dhalata labada Gobol.

Odayaasha waxa ay tilmaamen in Ujeedka loo sameeyay Dowladnimada aysan aheyn in loo adeegsado qaab leysaga horgeynaayo Beelaha Soomaaliyeed, balse waxa ay sheegen in ahmiyada laga leeyahay Dowladnimadu ay tahay in leysku uruuriyo Umadda Soomaaliyeed.

Ka dhex shaqeynta ay DFS ka dhex wado Odayaasha iyo Shacabka labada Gobol ayey sheegen in natiijadeedu ay noqon doonto Dagaal ka dhex curta labada dhan ay mas’uuliyadeedu qaadi doonto DFS.

Odayaashu waxa ay shirkooda Jaraa’id ku sheegen in DFS ay ku degdegeyso dhismaha maamul qabyo ah islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah oo aan iminka muuqan, sida ay hadalka u dhigeen.

Haddalka iyo dhaliisha Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Beledweyne ayaa imaaneysa iyadoo magaalada Jowhar uu iminka ka furan yahay wajiga labaad ee shirka maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Odayaal1

Odayaal2

Odayaal3

Odayaal4

Odayaal5

Odayaal6

Odayaal7

Odayaal8

Odayaal9

Odayaal10

- Advertisement -

Read more

Local News