26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

XOG: Xasan Sheekh oo 3 qorsho u jooga SUDAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Khartoum ee Xarunta dalka Sudan.

Socdaalka Madxaweyne Xassan ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro Seddex arrin oo midi ay tahay adkeynta xiriirka guud ee Somalia iyo Sudaan, halka labada qodob oo kale ay kala yihiin arrimaha tallo ku aadan dhanka arrimaha doorashada iyo in Dowlada Sudan ay Madaxweyne Xassan Sheekh garab ku siiso doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno ee 2016-ka.

Dowlada Sudan ayaa horay uga qeybqaadatay doorashadii uu Xassan Sheekh kusoo ku noqday Madaxweynaha Somalia, waxaana jira warar la xiriira in Dowlada Sudan ay xili hore Madaxweyne Xassan u ballanqaaday inay ku garbin doonto doorashada soo socta.

Sidoo kale, socdaalka Xassan Sheekh ee magaalada Khartoum ayaa qeyb weyn ka ah ololihiisa ee la xiriira Doorashada Somalia, waxaana lagu wadaa in dalkaasi uu kasoo heli doono qorshaha socdaalkiisa.

Lama oga sida ay Dowlada Sudan u garansiin doonto Madaxweyne Xassan oo ah musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia, waxaana xusid mudan in Sudan ay dhinaca kale ka taageereyso Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xulafadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News