30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Gowraca haweenka Soomaaliya oo sii badanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu gowracay deegaanka Bajeele haweeney ku sugneyd deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in haweeneydaan laga heley meydkeeda duleedka magaalada Gaalkacyo ay aheyd haweeney qoorta laga jaray, lamana oga cidda ka dambeysa gowricida haweeneydaasi.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in haweeneyda ay aheyd reer miyi xoolaley ah, laakiin ay arkeen meydkeeda oo yaala duleedka deegaanka Bajeele ee bariga gobolka Mudug.

Falkaasi markii la maqlay kadib ayaa ciidamada maamulka Galmudug waxaa  ay sameeyeen baaritaan lagu raadinayo dadka falkaasi ka dambeeyay, waxaana loo qabtay ku dhawaad 10 ruux oo aan la ogeyn iney ka dambeeyaan iyo inkale.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay dhacdadaan ku cusub deegaanka Bajeela ee gobolka Mudug, waxaana ay dalbadaan in la qabtaa dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News