Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku baaba’een doonidii ka tagtay dalka Masar ee kusii jeeday Talyaaniga ayaa waxaa soo wada jeestay dareenka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa sidoo kale dhankooda waxay si murugo ku dheehan tahay ay kaga hadleen dhalinyaradii badneyd ee ku dhimatay biyaha Masar iyo Talyaaniga u dhaxeeya.
Wasiiru dowlaha arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa runta ka sheegay dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku qasabtay iney ka tahriibaan dalka Soomaaliya oo badaha u aadaan.
Wasiirka wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed badankood aysan fursad wanaagsan u helin iney shaqo ka helaan dalka Soomaaliya oo albaabada laga wada xirtay, taasi oo dhalisay iney dalkooda ka cararaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed haddii fursad u heli lahaayeen shaqooyin dalkooda ay ku helaan iney yaraan laheyd iney ka tagaan dalka Soomaaliya oo aysan badan laheyn murugada waalidiin badan heysata
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

