26.5 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Arag sawirro: Muqdisho oo la ciirciireysa qashin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool agagaarka Xeebta Jasiira iyo Kaaraan, ayaa ka cabanaaya qashin farabadan oo la sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ku shubo labadaasi gooboog kadib marka laga soo uruuriyo wadooyinka iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka ayaa waxaa arrintaani mataan kula ah Shirkado la sheegay in qashinka ay ka qaadan xaafadaha ay degan yihiin dadka shacabka ah, kuwaasi oo iyaguna qashinka ku daadsha Xeebta Jasiira iyo Kaaraan oo ah labada goobood ee lagu shubo wasaqda magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhow dhow labadaasi goob ee qashinka lagu shubo ayaa sheegay in qashinkaasi aan lagu shubin Godod u qodan balse lagu seyriyo dhul baaxad weyn oo aan godod laheyn.

Qashinkaani ayaa dhibaato farabadan ku haya dadka deegaanka oo iyagu sheegay in dabeesha ay usoo qaado kadibna ay ku xanuunsadaan carruurtooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kaalinta koowaad ku jira, iyaga oo aan wali muujin dareen gaar ama wacyi galin arrintaasi ku aadan.
qashin1

qashin2

qashin3

qashin4

qashin5

qashin6

- Advertisement -

Read more

Local News