Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa soo jeediyay fikrad cusub oo lagu soo dooran karo madaxweynaha Soomaaliya ee badalaya dowlada haatan dhisan.
Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in dhawaan shirkii madasha laga sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee imaanaya dhawaan ay soo dooran doonaan 13750 ruux oo ah fikrad fiican.
Balse Tarsan ayaa soo jeediyay in madaxweynaha Soomaaliya ay soo doortaan dadkaasi tirada badan, maadaama aan la helin balanqaadkii ahaa qof iyo codkiisa.
“Sida aan la socono waxaa la go’aamiyey in xildhibaan kasta ay soo doortaan 50 qof taas oo macnaheedu tahay 275×50= 13750, Waxaan arkii in ay aad ugu haboontahay in Madaxweynaha dalka in ay soo dortaan 13750 maadaama ay surageli weyse in la gaaro qof iyo cod, Si loo yareeyo laaluushka bahsan ee lagu soo doorto madaxweynaha in 13750 qof oo metelahaya bulsha weynta Somaaliyeed ay soo dortaan madaxweynaha dalka”ayuu yiri Tarsan.
Shirkii madasha ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la isla gartay in xildhibaanada baarlamaanka ay soo xulaan tirada dadkaasi kadibna ay soo doortaan madaxweynaha imaanaya.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

