25.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Xog: Xasan oo odayaal loogu diyaarinayo Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dalbaday in loo diyaariyo Odayaal la sheegay in si gaar ah uu u daneynaayo.

Odayaasha uu dalbaday Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa inay ka kooban yihiin dhowr beel oo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, kuwaasi oo uu daneynaayo inuu kala hadlo arrimihiisa gaarka ah ee la xiriira doorashada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Odayaasha qaar uu hor dhigi doono inay kala shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ololaha, halka qaarna uu kala hadli doono arrimo ka xiriira dhanka Baarlamaanka cusub.

Xassan Sheekh ayaa iminka dalka dibadiisa ugu maqan howlo la xiriira arrimaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in xiligaani iyo wixii ka danbeeya uu si toos ah ugu guda gali doono doorashooyinka.

Ma cadda xiliga rasmiga ah ay is arki doonaan Odayaashaasi, inkastoo xili hore uu dalbaday la kulankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News