28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan DFS oo la ogaaday in ay ka ganacsadaan tahriibinta dhallinyarada.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan boqolaal Soomaali ah ay ku dhamaadeen Badda Masar, xili ay kusii jeeden Yurub, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxda dalka ay si ganbasho la’aan ah ay uga ganacsadaan dhiiga Shacabka.

Qoraal lagu soo daabacay Bogga Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi Tahriibka ah ay ka ganacsadaan Xubnaha Guddoonka sare ee BFS iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa lagu soo xigtay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in dadka Tahriibka ah Somalia looga tahriibiyo qaab xogeeno ama gacan yarayaal la socda mas’uuliyiintaasi.

Waxa uu sheegay in guddoonka sare ee Baarlamaanka xilliyada ay safrayaan dad lacago ay ka qaataan ay safaradooda ku xambaaraan iyaga oo geeya halka ay kolkaasi doonayaan, sida qoraalka lagu sheegay.

Ragga uu Dalxa tusaalada usoo qaatay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka wasaarada arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye oo isaga la sheegay inuusan Safar bixin ilaa uu horay usii xanbaaro tirro Tahriibayaal doonaaya inay galaan Yurubta.

Guddoonka Sare ayaa iyaga la sheegay in xiliga bixitaankooda ay horay usii kaxeeyaan ilaa dhowr qof oo aan laheyn muuqaalka Siyaasada, kuwaasi oo lacagta bixiya goorta la geeyo halka ay doonayeen.
Docda kale, Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Guddoonka sare ee BFS wali kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Dalxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News