Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo galabta laga maqlay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay gaari nooxa raaxada ah.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu galabta ka dhacay degmada Waaberi gaar ahaa xaafada kowda Maajo, waxaana la ogeyn khasaaro uu geystay qaraxaasi.
Laamaha amaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid xoogan uusan geysan khasaaro, waxaana inta qaraxa uusan dhicin la sheegay iney ka dageen labo ruux oo la socotay, waxaana gaari leh haweenay heysata ilmo agoon ah, sida ilo wareegyo ay sheegeen.
Ciidamada nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa qaraxa kadib gaaray halka qaraxa ka dhacay waxaana ay sameeyeen baaritaano dhanka amaanka ah.
Hay’adaha ammaanka, ayaan wax war ihi ka soo saarin qaraxa galabta ka dhacay Degmadaasi, inkastoo ay u muuqdaan inay weli gacanta ku hayaan baaritaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

