26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Xog ku saabsan sababta dib u dhaca kulanka BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac ayaa waxaa maanta ku yimid kulankii Xildhibaanada BFS kaasi oo la sheegay in Su’aalo dhowr ah lagu weydiin lahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Xildhibaanada BFS ayaa waxa uu maanta qorshahoodu ahaa in Su’aalo ay weydiyaan Sharmaarke, balse waxa ay ka war heleen in kulanka maanta oo isniin ah uu ku yimid dib u dhac.

Guddoonka sare ee BFS, ayaa xildhibaanada ku wargaliyay inay iska joogaan hooygooda kadib markii ay u sheegen in kulanka BFS uu u baaqday in Shaqaalaha Dowladda ay ku jiraan labo maalin oo fasax ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in Xubnaha BFS ay ka mid yihiin Shaqaalaha dowladda, sidaasi awgeedna fasax ay yihiin.

Xildhibaanka ma uusan sheegin waqtiga xubnaha Baarlamaanka ay isugu imaan doonaan kulamada kale ee Su’aalaha lagu weydiin doono Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News