Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo ugaasyada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan digniin ugu jeediyay madaxda Soomaaliya, iyaga oo ka digay in muddo kororsi daqiiqad ah xitaa ay sameeyaan.
Xildhibaanada baarlamaanka oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada haatan jirtaa aysan waqti ku darsan karin xiligii loo madal sanaa in dalka ay ka dhacdo doorasho madaxweyne oo ah bisha September sanadkaan.
Xildhiban Kulalihi, Khadiiyo Maxamed Diiriye iyo xildhibaano kale ayaa ra’isul wasaaraha hortiisa ka sheegay ineysan marnaba raali ka aheyn muddo kororsi xukuumada ay sameyso ama baarlamaanka.
Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ee soo xulay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee haatan waqtiga ka dhamaanayo ayaa ka digay in muddo hal maalin xitaa ay ku darsadaan hayadaha dowlada ee haatan dhisan.
Waxaana odayaasha ay sheegeen iney xaaran u aqoonsan yihiin in maalmo xitaa xukuumada iyo hayadaha kale ee dowlada ku darsadaan.
Dhamaan xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ayaa digniin isku mid ah u diray seddexda masuul ee ugu sareyso dalka, iyaga oo kaga digay iney muddo kororsi kooban ay sameeyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

