Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda Muqdisho ka taagan ee ku saleysan xuquuqda gobolka Banaadir ayaa isku rogtay mid qabyaaladeed, kadib markii Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli Gaas ay xalay billaabeen arrin yaab leh, oo naceyb ku dheehan yahay.
Gaas ayaa Axmed Madoobe ka dhaadhiciyey inuu soo saaro warsaxaafadeed uu kaga soo horjeedo in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare, Axmed Madoobena waa ku raacay, taasi oo xiisad cusub abuurtay.
Isbaheysi beeleedka labada nin ayaa abuuray isbaheysi beeleed cusub, oo ay dhisteen xildhibaanada Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, oo isku dhinac noqday, waxaana sidoo kale wehliya qaar ka mid ah xildhibaanada beesha shanaad.
“Labadan nin weligood qabyaalad kama daahirsamaan, waana ku qasbanahay inaan iska dhicinno” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ah xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo Caasimada Online la hadlay.
Xildhibaanada Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa wacad ku maray inaysan ansixin doonin heshiis aanu ku jirin in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare.
Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaa kasii fog kuwa Hawiye, oo wacad ku maray inaysan heshiiska ansixin doonin, haddii Puntland aan laga soo reebin saddexda xubnood ee dheeriga ah ee laga siiyey aqalka sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

